Guutada Al-Qassam, ee taabacsan dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, ayaa Arbacadii sheegatay mas’uuliyadda hawlgalkii Yaffa ee maalintii Talaadadii lagu xasuuqay qaar ka mid ah gumeystaha Yahuuda, waxaana weerarkaas lagu dilay 7 katirsan gumeystaha Israa’iil.
Weerarkaan ayaa ahaa mid khasaaro xoggan lagu gaarsiiyay gumeystaha Yahuuda.
Guutada Al-Qassam oo faahfaahisay sidii uu howlgalka u dhacay ayaa tiri:
“Mujaahidiinteenu waxaa u suurtagashay in ay gudaha u galaan dhulkeena ay naga haystaan gumeystaha Yahuuda, waxayna ku dileen mid ka mid ah askarta gumeysiga, waxayna ka qaateen hubkii uu watay, kadibna waxay fuliyeen howlgalka geesinimo leh. Laba goobood oo kala duwan oo ku yaala bartamaha magaalada (Tel Aviv), oo mid ka mid ah uu ku yaalay gudaha saldhiga tareenada, waxayna soo afjareen qaar ka mid ah gumaystaha sahaayinada.
Howlgalkaan ayaa lagu dilay 7 ka mid ah gumeystaha waxaa lagu dhaawacay 16 kale, warbaahinta ayaa soo tabinaysay maydad daadsan wadooyinka magaalada Yaffa.
Weerarkaan barakaysan waxaa fuliyay laba halyeey oo lagu kala magacaabo Maxamed Rashid Miski iyo Axmed Cabdi Fataax Al-Haymuuni oo ka soo jeeda magaalada Al-khaliil ee gumeysiga ku hoos jirta.
Mid ka mid ah halyeeyadii fuliyay howlgalkii ka dhacay magaalada Yaffa 1 Octobar 2024 waxaa uu ahaa Muxamed Al-Miski oo ah wiil uu dhalay mid ka mid ah saraakhiisha Guutada Al-Qasaam oo lagu magacaabi jiray Raaid Al-Miski, oo sida wiilkiisa oo kale howlgal uu fuliyay ku dilay 20 ka mid ah gumaystaha Yahuuda sidoo kale ku dhaawacay in ka badan 150 kale oo gumeystaha ka mid ah magaalada Qudus sanadkii 2003-dii.