Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa ka falcelisay hadal uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku hadaaqay, oo ahaa inuu cadaadis ku saarayo labada dal ee deriska la ah Falastiin, si ay u qaabilaan Qaxooti badan oo Falastiiniyiin ah, taas oo ujeedkeedu yahay in shacabka reer Falastiin laga sifeeyo dhulkooda.
Xamaas ayaa tiri: “Waxaan qadarinaynaa mowqifka dhabta ah ee Masar iyo Jordan, oo diidaya barakicinta dadkayaga Falastiiniyiinta, ama in lagu dhiirigaliyo wareejintooda ama ka rujintooda dhulkooda iyada oo loo marayo marmarsiiyo ama cudurdaarro been ah.”
Xamaas waxay ku adkaysatay bayaan ay soo dhigtay barta Telegram-ka, subaxnimadii hore ee Isniinta, ku dhaganaanta dadka Falastiiniyiinta dhulkooda iyo diidmadooda barakicinta ama masaafurinta.
Mar sii horreysay, Trump wuxuu sheegay inuu ku cadaadinayo Jordan, Masar iyo dalal kale oo Carbeed inay qaabilaan Qaxooti badan oo Falastiiniyiin ah oo ka imaanaya Marinka Gaza, tallaabadaas oo ay diideen Cammaan iyo Qaahira.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa carrabka ku adkeysay diidmada Qaahira ee ku aaddan barakicinta dadka Falastiiniyiinta ee marinka Gaza ama in loo wareejiyo dhul kale, hadduu ahaan lahaa dhul ku meel gaar ah ama mid muddo dheer.
Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa xaqiijiyay diidmada dalkiisa ee isku day kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo falastiiniyiinta, isagoo carabka ku adkeeyay joogteynta Jordan ee taageeridda xaqa ay Falastiiniyiinta u leeyihiin inay ku sii sugnaadaan dhulkooda.