Xamaas oo Wacad ku Martay inay Fashilin Doonto Qorshaha Trump ee lagu Barakicinayo Dadka Gaza.

18
0

Xamaas ayaa wacad ku martay talaadadii shalay inay fashilin doonto qorshaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku doonayo inuu dadka Gaza ugu barakiciyo dalalka deriska la ah, waxayna hoos u dhigeen hanjabaadiisa ah inuu jaxiimo ka dhigi doona Gaza, haddii aysan Xamaas galabnimada Sabtida ee soo socota  sii deyn maxaabiista Yahuudda ee u xiran.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in wixii ay gumaystaha ku guulaysan wayaan intii ay ku guda jireen gardaro iyo xasuuq, aysan ku guulaysan doonin inay ku gaaraan qorshayaal iyo masaafurin qasabka ah.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Dadkeena reer Gaza waxay u istaageen sidii ay uga hortagi lahaayeen duqeynta iyo duulaanka gardarada ah, waxayna sii ahaan doonaan kuwo ku adkeysan doona dhulkooda, waxayna fashilin doonaan dhammaan qorshayaasha barakicinta iyo masaafurinta qasabka ah”.

Waxay u tixgelisay hadalada Trump mid cunsuriyad ah iyo baaq ku saabsan isir sifeynta, baabiinta qadiyadda Falastiin, iyo Diidmada xuquqaha qaran ee dadka reer Falastiin.

Tan iyo 25-kii bishii Janaayo, Trump waxa uu waday qorshe Falastiiniyiinta looga barakiciyo Gaza, si loo gaarsiiyo dalalka deriska ah – sida Urdun iyo Masar – kaas oo ay diideen labada dal, waxaana ku biiray dalal kale oo Carbeed iyo ururro goboleed iyo kuwo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here