Xaqiiqdaan Soo Arkay iyo Suurad Xumaynta Xadhka Goosatay ee Wadaad Xumayaasha. (Maqaal)

27
0

Dhawaan maalmo yar ka hor, waxaan baraha bulshada ku arkay Sawirada jaamacada Al-Qima oo farac cusub ka furatay magaalada Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelada Hoose, muuqaalkan qurxda badan ee tusinaya hor marka waxbarasho ee ka jira dhulka ay Al-Shabaab maamusho, ayaa igu riixay inaan soo gudbiyo safar aan dhawr bilood ka hor kagasoo laabtay dhulkaas, anigoo halkas ku sugnaa mudo dhawr bilood ah, si aan Eedadeey oo mudo ku xanuusnayd magaalada Jilib u booqdo.

Mudadaas aan joogay waxaan indho idhayn ku hayay nolosha ka jirta dhulkaas iyo heerka waxbarasho ee ay haystaan dadka ku dhaqan, mid diini iyo maadi intaba. Waxaa filanwaa igu noqotay waxaan arkay oo aan horay ka aaminsanaa suurad aan qurxoonayn, waxaan galay inaan boqol jeer istiqfaarsado oo aan ilhy dambi dhaaf ka waydiisto, dhinaca kalana waxaan lacnaday wadaad xumayashii war-xumo tashiilka badnaa ee beenta na waraabshay.

Qisada safarkaygu waxay kasoo bilaabatay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaan ka mid ahay dhalinyarada jamacadaha u aaday dalkaas, yarantaydii waxaan wax kusoo bartay madaarista ay gacanta ku hayeen wadaadada Salafiyada ah ee aan Suufiyada ahayn, waxaan aad ugu xirnaa culimada Soomaaliyeed ee joogta dalka iyo dibadiisa, waxaan Inbadan wadaadadaas ka maqli jiray hadalo xanaf leh oo ay kagasoo hor jeedaan Al-Shabaab iyo la dhaqankooda bulshada.

Waxaan imaaday magaalada Muqdisho oo ay iigu dambaysay tan iyo 2010-kii, wakhtigii difaacyada Xamar, dhulku waa dhulkii balse wax wayn ayaa iska badalay, aad ayaan ugu farxay dhismayasheeda iyo ganacsiyada cusub ee dalkeena kusoo biiray, balse dhinac kale oo aan anigu aad u danaynayay inaan wax ka ogaado ayaan bilaabay inaan baaritaan ku sameeyo, waana dhanka wax barashada, sababtoo ah si kasta oo ay ummadi ugu tartanto dhismayaaasha dhaadheer ama ganacsiyada hor marsan, hadana umadd aan waxbaran ma gaari karto hormar aduunyo iyo mid aakhiro toona.

Imaatinkaygii Muqdisho, wuxuu ii ahaa dalxiis aan ugu riyaaqay dalkayga oo aan in mudaa ka maqnaa, dhaayahayguna ay dherer sanayeen inay mar un ku raaxaystaan quruxda dhulkayga,  waxaa magalada Muqdisho igusoo dhawaysay habaryartay oo kamida ganacsatada ka shaqaysta suuqa Bakaaraha, waxay igaysay gurigeed oo aan wax saasa ka fogayn halka uu dukaankeedu ku yaallo, waxaa durbadiiba la iisameeyay martisoor cajiib ah.

Maalmo aan ismartiyaynayay kaddib, waxaan is baranay oo sheekaysanay caruurtii ay habaryar dhashay oo badan kood ahaa arday wax kabarta iskuulaadka iyo madaarista  ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaan tijaabiyay qaab kooda wax barasho iyo heerka ay gaarsiisan tahay aqoontoodu, runtii ima farxad galin marka laisku eego heerka ay waxbarashada ka marayaan fasal ahaan iyo sida ay aqoontoodu u liidato.

Caruurtan ay habaryar dhashay waxay ahaayeen ubad loo dhamaystiray agabkii waxbarasho ee ay ardaydu ubaahnaayeen, maadaama hooyadood ahayd qof hantiile ah oo awood u leh qarashaad kooda waxbarasho, balse haqab tirkooda iyo tayadoodu isma yeelan. Sababtoo ah agabkaas wax barasho waxaa u dheeraa internate Free ah oo ay dhamaan wax wabarashadoodii kaga mashquuleen.

Isbuuc kaddib imaantinkaygii Muqdisho ayaan hadana dib u bilaabay inaan safarkaygii horay usii wato, anoo markan u jihaystay dhul aan waligay tagin, waa dhulka ay ka taliso Al-Shabaab, gaar ahaan meesha aan ku socdo waxay ahayd dagmada Jilib oo qiyaas ahaan Muqdisho u jirta 300 oo Kiiloomitir, waxaan Muqdisho  kasoo baxay maalin khamiis ah oo ay bisha shacbaan dhamaad kusii dhawdahay, bisha Ramadaana ay ka harsanayd maalmo yar oo kooban.

Waxaan Xamar kasoo raacay gaari Layla calaawi ah oo ay dhawr qof ila saarnaayeen, muddo dhawr casho ah oo aan safarkan kusoo jiray ugu dambayntii waxaan imaaday magaalada Jilib, waxaana halkaas igusoo dhaweeyay Yuusuf oo ah wiilka ugu wayn wiilasha ay Eedo Maryan dhashay, Maryan  waa eedadeey aan darteed safarkaan usoo galay, waxay in mudda ah ku xanuun sanaysay magaalada Jilib oo aan doonayay wakhti fasaxeedkan inaan kusoo booqdo, waxaa iigu dambaysay waagaan ka tagayay Soomaaliya 2010-kii ayadoo dagan Magaalada Muqdisho.

Markaan magaalada soo galay intaan gaarigii aan la socday uusan igu dajin saldhiga dagmada, waxay ishaydu durbadiiba qabatay boor wayn oo ku dhagan darbiga dhisme aad u qurxoon oo ay ku qoran tahay Jaamacada Al-Qimah oo Af carabi ah, isla markiiba waxaa niyadayda kusoo dhacay hadal aan ka maqli jiray Sheekhygii wax isoo baray, balse waxaa isku kay qaban waayay hadalka wadaadkaas iyo waxa ay dhaayahaygu qabteen oo ah Jaamacad Islaamiya oo wadata magac cajiib ah oo xanbaarsan micno wayn.

Waxaan ka dagay gaarigii, waxaana halkii iigu yimi Yuusuf, waxaan maalinkaas kulanay eedo Maryan oo ah da’adii abahay ka yarayd, eedo markan waxay noqotay qof  wayn oo da’a ah, balse Allaah wuxuu siiyay ubad baariyaal ah oo ukala tartamaya u adeegideeda.

Jawiga magaaladu wuxuu ahaa kulayl, aniga ahaan aad ayay iigu adkayd kulaylkaas, maadaama aan ka imaaday dhul qabow,  waxaa habeenkaas la sugayay dhalashada bishii barakaysnayd ee Ramadan,  salaadii cishe markii laga baxay ayaa dhamaan masaajidii magaalada lawada galay salaadii tarawiixda, aniga iyo Yuusuf oo ikala barayay magaalada ayaan isku raacnay masjidka si aan salaada cishe iyo taraawiixda usoo wada tukano, waxaana kusoo tukanay masaajid wayn oo ku yaalla magaalada bartankeeda oo ay dadku u yaqaaneen masjidka Dabaqaynka, laakiin la iisheegay in magiciisa la yiraahdo Masjid Quba.

Ramadaantaas waxay ii ahayd bil cibaado oo aan u cibaadaystay si aan ramadaanadii hore u cibadaysan jirin sababtoo ah, majirin wax iga mashquulinaya cibaadada haday ahaan lahayd meelihii laiskugu imaanjiray ee wakhti dhumiska ahaa ama Internetka oo ah aafada ugu wayn ee haysata jiilka qarnigan nool, balse dadka kuhoos nool dhulka ay Shabaabku ka taliyaan ayaa aafadan ka badbaaday.

Maalmo markaan joogay waxaan is raacnay Yuusuf si uu iisoo kala baro goobaha wax barasho ee magaalada ku yaalla, waxaan markiiba ka cod saday inuu I geeyo jaamacadii ay ishaydu qabatay maalinkii iigu horaysay ee aan Jilib imaanayay, waxay ahayd Jaamacada Al-Qima, waxaan jeclaa inaan la kulmo qaar kamida macalimiinta wax ka dhiga Jaamacada balse iima suura galin, laakiin waxaan la sheekaystay dhawr arday oo jaamacada ka dhigta kuliyado kala duwan.

Ardaydaas waxay ahaayeen arday heerkooda waxbarasho uu aad u sareeyo, waa arday ay wax bareen macalimiin takhasus u leh kuliyadaha ay dhigayaan, taas oo laga akhrisan karo heerka ardayda ay soo saareen,  in kastoo aan jeclaa  inaan mar lakulmo macalimiintaas, waxaa hadana jiray duruufo kale oo aan ii saamaxayn la kulan kooda.

Waxaan hadana tagnay macadka Imaam Sakhaawi oo ah machad lagu barto Qiraa’aadka Qura’aanka, marka lagasoo tago Jaamacada, goobihii  waxbarasho  ee aan aadka ugu farxay waxaa kamid ahaa macadkan, kaas oo sanadkii soo saara wax ku dhawaad 100 arday oo xifdisan 10 ka qiraa’o ee Qur’aanka Kariimka.

Dabayaaqadii bishii Ramadaan waxaan ka qayb galay xaflad qalin jabin ah oo loo qaybtay dhawr iyo afartan arday oo ka qalin jabiyay Macadka Qira’aadka ee Imaam Sakhaawi, ardaydan ayaa goobta xafladu ka dhacaysay kusoo bandhigay heerka aqooneed ee ay u lee yihiin Qiraa’adka Quraanka Kariimka ah. Waxaa goobta aayado Qur’aan ah ka akhriyay ardady ayagoo ku akhrinayay dhamaan qira’aadka Todobada ah, halka qaar kalana ay ku akhriyeen Tobanka qiraa’o.

Maalintan waxay ii ahayd maalin farxadeed oo aan qalbigayga wax badan ka masaxay, sababtoo ah wadaad xumayaashii wax nasoo baray waxay naga dhaadhicin jireen in dhulka ay Shabaabku ka taliyaan aysan ka jirin wax hor mar aqooneed ah, dadka ku noolna aysan xitaa aqoon salaadaha Shanta ah sida loo tukado aqoon kale iskaba daaye, laakiin dhamaan been abuurkaas ayaa balcan baacuur noqday, markaan arkay wax barashada tayaysan ee taala dhulkan ay talidiisu gacanta ku hayaan wadaadaas tubtii toosnayd raacay.

Waxaa dhamaatay bishii Ramadaan, maalinkii la ciiday galabkeedii ayaan sugayay in laqabto ciyaarihii ciida ee aan ka daawan jiray baraha bulshada, balse ciidaas waxay kusoo aaday xili roobaad, taas oo keentay in la qaban waayo ciyaarihii ciidaha la qaban jiray.

Yuusuf, oo isoo kala barayay goobaha wax barasho ee magaalada ayaa hadana markan igeeyay madaraso la yiraahdo Al-Hijra oo ayaduna kamida madaarista wax laga barto ee ku yaalla magaalada Jilib, Al-Hijra ayaa ka duwan madaarista kale, waxayna dheertahay barashada culuumta maadiga ah, sida Sayniska, Juquraafiga iyo maadooyinka lamid ka ah, ardaydan ayaa wax ku barta Luuqadaha kala ah Carabiga, Ingliishka iyo Luuqada Sawaaxiliga oo looga hadlo qaar kamida wadamada geeska Afrika, ismalahayn Jilib baa laga bartaa Af-Sawaaxili, balse xaqiiqadan  aan arkay ayaa kamid noqotay mid aan ku xaqiiq saday xiqdigii wadaad xumayaasha iyo xawaashidooda.

Ardaydan ayaa wax ku barta Manhaj madax banaan oo ay samaysay Al-Shabaab, kaas oo aysan ku jirin wax lid ku ah shareecada Islaamka ama akhalaaqdeena suuban, halka iskuulaadka kale ee dalka intiisa kale ka furan wax lagu barto manaahij  ay soo dajisay UNESCO.

Marka laisku fiiriyo tayada ardayda wax ku barata magaalooyinka ay dawladdu ka taliso iyo ardayda wax ku barta dhulka ay Shabaabku ka taliyaan, waxaad moodaa ardayda halkaas wax ku barta inay boqolkiiba boqol ka fahmad iyo xifdis badan yihiin kuwa wax ku barta magaalooyinka ay Dawladu ka taliso, sababatoo ah ardydan ma haystaan Internate ka mashquuliya wax barashadooda, mida kale ma jiraan garoomo lagu ciyaaro banooniga.

Mudo dhawr bilood ah oo aan ku noolaa dhulkaas, waxaan ugu dambayntii kusoo laabtay Magaalada Muqdisho oo aan doonayay inaan safarkaygii Turkiga ku aado, balse markan sidii aan ku imaaday markii hore ma ihi oo waxaan wataa xasuus qoryo badan oo hadii la widaan galiyo laga qori karo dhawr buug, kuwaas oo aan qoray intaan joogay dhulka ay Al-Shabaab ka taliso.

Ugu dambayntii waxaan dhaliyarada Soomaaliyeed ee sidayda oo kale la khalday u sheegayaa, haku kadsoomina hadalada beenta ah ee ay sheegayaan dadka lidka ku ah wadaadadaas waranka u sita waraabayaashaas dalkeena dhacay siday u wareemi lahaayeen, hadalada aan xaqiiqada ku salaysnayn ee laidiinka sheegayana iska hubsada, aniga ahaan waxa aan indhahayga kusoo arkay ayaa iga kaafiyay wixii ay igu afuufi jireen wadaad xumayaashaas.

WQ: Cabdiqaadir Axmed.

Ankara, Turky

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here