Milliteriga xarakada Alshabaab ee ka howlgalla gobolka Jubbasa hoose ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaaday maleeshiyaad ka soo baxay magaalada Kismaayo.
Sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan maleeshiyaadka waxaa dhanka cirka ka taageerayay diyaaradaha Mareykanka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii kolanyada maleeshiyaadka Axmed Mdoobe ee kasoo baxay magaalada kismaayo
oo Mareykankane hawada sare ka taageerayay isku dayeen iney soo weeraraan deegaanka Beerxaano oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka Kismaayo.
Deegaanka Beerxaank ayaa ah deegaan nabdoon oo lagu maamulo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Dagaalka markii muddo kooban socday ayaa waxaa maleeshiyaadka Axmed Madoobe usoo dagay diyaarad nuuca Eelecobtar ta ah oo goobta ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada maleeshiyaadka.
Ugu dambeyntii maleeshiyaadkii duulaanka soo qaaday ee diyaaradaha Mareykankane hawada ay ka taageerayeen ayaa iyagoo jabay waxey dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.