Guutada madafiicda ee xarakada Alshabaab ayaa maanta weerar madafiic loo adeegsaday ku garaacay garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelada hoose.
Sida lagu soo waramayo Madaafiicda ayaa ku dhacay gudaha saldhiga waxaana jira khasaare soo gaaray ciidamada ku sugan saldhiga.
Garoonka Balidoogle ayaa ah saldhiga ugu weyn ay dowlada Mareykanka ku leedahay dalka Soomaaliya.
Balidoogle ayaa ah saldhiga uu Maraykanka ka maamulo dagaalka uu kula jiro jihaadiyiinta Alshabaab.