Militariga xarakada Alshabaab ee ka howlgala gobolka Baay, ayaa weerar qorsheysan oo kamiin ah u dhigay ciidamo katirsan DF oo kasoo baxay magaalada Baydhaba kuna sii jeeday dhanka deegaanka Goof-gaduud Buurey.
Saraakiisha Alshabaab ee hwolgalka fuliyay oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in weerarka dhabbagalka ah lagu dilay laba askari oo kala ahaa sarkaal iyo askari kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray:
1-Saciid Maxamed Nuur Geedi oo ahaa sarkaal Abaanduule ah.
2-Buraale Mad Kuus, oo ahaa askari.
Militariga Alshabaab ayaa sidoo kale sarkaalka iyo askariga ay dileen ka qaatay laba qori oo AK47 ah iyo booshashkooda.
Sidoo kale waxay ciidamada Alshabaab howlgal qarax ah la beegsadeen saldhigga ciidamada DF ee xaafadda Jiira-garoob ee magaalada Baydhaba, waxay sidoo kale Alshabaab dagaal toos ah ku mireen xalay xerada ciidamada DF ee Iidow Dhigaal ee isla magaalada Baydhaba.
Dhanka gobolka Bakool, waxay ciidamada Alshabaab dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada DF ee degmada Waajid, ilaa iyo hada lama haayo wax xog ah oo ku aaddan weerarkaas khasaaraha ka dhashay, maadaama uu dhacay xilli habeen ah.