Xarakada Jihaad Al-Islaami oo 100 Gantaal ku weerartay dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku Haysato.

3
0

Guutada Al-Qudus, garabkeeda hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Jihaad Al-Islaami, ayaa ku dhawaaqay in ay 100 gantaal ku garaaceen magaalooyinka ay haystaan gumaystaha Yahuudda,  taas oo ay sheegeen inay jawaab u tahay dilkii dhawaan ay ciidamada Sahaayinadu ku dileen Tayseer Al-Jaabari, oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha Guutada Al-Qudus.

Xarakadan ayaa bayaan ay soo saartay shalay isniintii ku tiri “Kaddib markii aan dib u soo celinay xiriirkii aan la lahayn ciidamadayada qaybtooda gantaalada ee ku sugan Waqooyiga Marinka Qaza, waxay gantaallo ku garaaceen Labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalooyinka Qudus, Tel Aviv iyo deegaanada kale ku hareeraysan Marinka Qaza”.

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri “Weerarkan aan ku beegsanay goobaha ay ku badan yihiin Yahuuddu, waxaan ugu aargudaynaa dilkii gardarada ahaa ee dawaan ay Yahuuddu ku dishay Tayseer Al-Jaabari, kaas oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta Xarakada” waxay intaas ku dareen in weerarkan sidoo kale loogu aargudayay xasuuqa ay Yahuuddu u geysanayaan shacabka reer Falastiin iyo duulaanka ay ku qaadeen masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Waxaa wali halkiisa kasii socda duulaankii cadawtooyo ee ay Sahaayinadu ku qaaday Marinka Qaza, iyadoo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiintu ay wali yihiin awoodd marinka ka jirta oo wakhti dheer sii dagaalami karta, waxaana fagaaraha wali laga dareemayaa duqaymaha gantaalada ee ay wali adeegsanayaan Muqaawamadu, taas oo dhabar jab wayn ku noqtay Maamulka Yahuudda oo sheeganayay inuu burburiyay xarumihii gantaalada lagasoo ridi jiray ee ku yaallay marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here