Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Xaqiijisay Maraykanku Inuu Dilay Hogaamiye Sheekh Muxamad Mire.

11
0

Warsaxaafadeed goordhaw kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay, dilka mid kamid ah hogaamiyayaasha halganka ka dhan ah Shisheeyaha ee Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay, dilka Sheekh Maxamad Mire Jaamac oo ahaa Waaligii Wilaayaatka Soomaaliya, kadib markii ay Maraykanku duqayn kula beegsadeen duleedka deegaanka Kuunya Baroow ee Shabeellada Hoose.

Sheekh Maxamed ayaa muddo 40 sano ah waxa uu ku jiray halganka ka socda Bariga Afrika ee looga soo horjeedo Shisheeyaha kusoo duulay dalka, isagoona dowr muhiim ah ka qaatay kaalinta dacwada iyo majaadka kale ee arrimaha bulshada.

Xogo intaan ka faahfaahsan iyo bayaanka oo dhameystiran waxaan dhageystayaasheenna ugu soo gudbin doonnaa wararka iyo barnaamijyadeeda soo socda insha’allaah.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here