Xarakada Saraya Al-Quds oo Sheegtay in Masiirka Maxaabiista Yahuuddu ay ku Xiran Yihiin Hab-Dhaqanka Netanyahu.

21
0

Guutada Al-Qudus ee garabka milateri ee dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami ayaa maanta ku dhawaaqday, in masiirka maxaabiista Yahuuddu ay la xiriirto hab-dhaqanka Ra’iisul Wasaaraha Sahaayinada Benjamin Netanyahu, ha noqoto mid taban ama mid togan.

Abu Xamza oo ah afhayeenka ciidamada guutooyinka Al-Qudus ayaa sheegay in dhacdooyinkii is xig-xigay ee tan iyo intii uu billowday howlgalka Duufaanta Al-Aqsa ay caddeeyeen in xalka kaliya ee maxaabiista lagu soo celin karo si xasilooni ah ay tahay heshiis isdhaafsi oo kaliya.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in iska caabinta Falastiintu ay si buuxda u guteen waajibaadkooda, ku aadan ilaalinta maxaabiista, halka Yahuuddu ay ku xadgudbeen maxaabiista ugana tageen xaalad khatar ah iyo mid hubanti la’aan ah.

Abu Xamza oo ah afhayeenka ciidamada guutooyinka Al-Qudus ayaa yiri “cawaaqib xumada ka dhalan karta ka fogaanshaha waajibaadkeeda ku aaddan dadkeenna dhibaateysan iyo ku xadgudubka joogtada ah ee heshiiska xabbad joojinta, waxay cawaqib xumo dhaxal siinaysaa maamulka Yahuudda”.

Yahuudda ayaa isku dayaysa inay jabiso heshiiska xabad joojinta, taas oo ka dhigan in hadii heshiiskan uu jabo ay muqawamadu halkeeda dagaalka kasii wadi doonto, arintan ayaana shacabka Yahuudda ku riixaysa inay dhankooda dhigaan mudaharaadyo ay ku diidayaan soo celinta dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here