Wararka ka imaanaya dhulka waqooyi bari ee NFD oo ay xoog ku haysato dowlada Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo burcad hubeysan oo ku sugan mandiqqadas ay sameeynayaan falal amniga lidi ku ah.
Waxaa gabi ahaan albaabada la isugu dhuftay xarumaha lagu iibiyo Shidaalka ee ku yaalla magaalada Wajeer ee dhulka NFD kuna hoos jira gumeysiga Kenya.
Arintaan ayaa imaatay kadib markii ciidanka Kenya iyo burcad hubeysan ay kordhiyeen dilka iyo dhaca ay ka wadaan magaaladaas.
Dowlada Kenya ayaa xad gudubyo waa weyn kula kacda dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan mandiqadda NFD iyo dhulka xeebta ee dagaan dad muslimiin ah oo gumeystihii reer galbeedka ay hoos geeyeen gumeysiga Kenya.