Xassan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siinaya Telefeshinka Al-jazeera ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay qabsatay qayb kamid ah Soomaaliya, kadib heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland. Wuxuu si toos ah u carab baabay ciidamada Itoobiya ee jooga gobalka Gedo, wuxuuna sheegay inay qabsadeen garoomada iyo marinada muhiimka ah ee gobolkaas.
Waraysiga oo sii socda ayuu Xassan Sheekh Maxamuud Dawlada Itoobiya ku eedeeyay inay hub soo geliyeen gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejiyeen maleeshiyaadka qabaa’il ka.
Wuxuu sheegay in dhammaan tallaabooyinkan ay bannaanka keeneen faragelinta Itoopiya ee aan isaga lagala tashan, Inta uu ku guda jiray wareysiga waxaa kale oo uu Xassan Sheekh Maxamuud isku muujiyay inuu kasoo hor jeedo heshiiskii bada ee horaantii sanadkan uu Muuse Biixi lagalay Itoopiya.
“Itoobiya kaliya ma sheeganayso waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxay si toosa uqabsatay gobalka Gedo, garoomadii diyaaradaha ee kuyaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaanuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Xassan Sheekh Maxamuud.
Horaantii mudo xileedkiisa ayuu kudhawaaqay Xassan Sheekh Dagaal uu kuqaaday Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isagoo kaashanaya qabaail ay hubaysay dawlada Itoopiya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada o muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Itoobiya ay dhaq-dhaqaaq ka wadeen gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan maamulka lamagac baxay Koonfur Galbeed, halkaas oo ay soo gelisay ciidamo dheeraad ah.