Xasminta Xawaadley Xassan Sheekh Maxamud Maxay uga dhigan tahay ? (Warbixin)

41
0

Sida aad lawada socotaan saaka salaadii subax waxay xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab werar cagmarin ah ku qaadeen saldhig ay ciidanka dawladda Fadaraalku ku lahaayeen deegaanka Xawaadley ee gobalka Shabellada Dhexe, weerarkan oo iskugu jiray cagmarin lagu qabsaday saldhiga iyo kamiin loo dhigay ciidan gurmad u ahaa ciidamada la weeraray ayaa sababay dhimashada wax kabadan 20 Askari.

Weerarkan ayaa kusoo aaday wakhti xasaasiya oo ay Xassan Sheekh ku furan yihiin culaysyo kala duwan, kuwaas oo kala ah isbadalka hawlgalkii ATMIS oo lagu badalay hawlgalka AUSSOM, kaas oo aan ilaayo hada kharashkiisa wax qaatay la’ogayn, dhinaca kalana dawladihii horay u bixin jiray kharashaadka dawladda fadaraalka ay sheegeen inaysan Lacag dambe bixin doonin wixii ka dambeeya sanadkan hada sii dhamaanaya.

Dhinaca kale maamul goboleedyada oo khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Xassan Sheekh ayaa mudooyinkan dambe dagaal adag kula jiray ciidamada dawladda Fadaraalka, Xassan Sheekh ayaa dawaan ciidamo geeyay gobalka Jubada Hoose gaar ahaan Raaskambooni si uu halkaas weerar ugagasoo qaado Axmed Madoobe oo talada maamulkaas markii Sadexaad qabsaday.

Himiladan uu Xassan Sheekh ku fikarayay ayaa hungowday oo noqotay hal bacaad lagu lisay, waxay ciidamadiisu ayagoo raxan raxan ah isku dhiibeen dawladda Kenya, wixii maxabiis ahaan loo qabatayna ayagoo xarko ku jeebaysan ayaa garoonka Aadan Cade laga soo xaadiriyay.

Guurguurte isagoo guurldaradaas is xigxigta kala kulmay maamul goboleedyadii uu garwadeenka u ahaa ayuu hadana maanta dhibaaxo taas ka xanuun badan kaga timi dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, firxadka ciidankisa ayaa sidii kuwii Raaskambooni oo kale isku shubay dagmada Balcad qaarna ay ugasii gudbeen dhanka magaalada Muqdisho.

Xawaadley waxay dhacdaa gobalka Shabeelada Dhexe waxayna Muqdisho u jirtaa qiyaasta 60 Kiiloomitir, xasminta wakhtigan kusoo beegantay ee ka dhacaday goobtan Xasaasiga ah ayaa Xassan Sheekh uga dhigan guuldaro balaaran oo uu dhan walba ka wajahayo.

Saldhigan waxaa haray loogu dilay saraakiil badan oo uu kamid ahaa Shataqey, kaas oo ahaa sarkaalkii haystay ciidamadii ku sugnaa saldhigan, weerarkan ayaana dulankii Xassan Sheekh ee Shabeellada Dhexe ka dhigay mid fashilma, kaas oo keenay ugu dambayntii in ciidamadiisu iskaga baxaan qaybo badan oo kamida gobolkan.

Saldhigan la weeraray waxaa daganaa ciidamo ashaamud ah oo horay ugusoo jabay dulaankii uu Xassan Sheekh ku qaaday gobalkan, waxayna sidan oo kale marar badan la kulmeen weeraro kala duwan oo uga imaanayay xooggaga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Billo kahor waxaa sidan oo kale loo weeraray saldhigii ciidamada dawlada Fadaraalku ay ku lahaayeen Ilbaq, kuwaas oo firxad ku galay dagmada Balcad, weerarada lagu qaadayo  dagmooyinkan kaabiga ku haya caasimada Muqdisho ayaa ka dhigan suurtagalnimad in weeraro kuwan ka xooggan ay Xarakadu ka gaysato kantaroolada laga galo magaalada Muqdisho.

Dawladda Fadaraalka ayaan illaayo haatan wax tafaasiil ah kabixin jabka culus ee ciidamadooda kasoo gaaray saldhiga Xawaadley, waxayna Xassan Sheekh uga dhigan tahay in Sanadka soo socda ee fooda nagusoo haya uu wajihi doono culaysyo intaan kabadan, taas oo ugu dambayntii la rajaynayo inuu dalka iskaga baxo, sidaba ku dhacday madaxdii isaga lamidka ahaa ee dalalka Afqanistaan iyo Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here