Magaalada Ankara ee caasimada Turkiga, waxaa shalay ka qabsoomay shir lagu gorfaynayay khilaaf mudooyinkan ka dhex jiray Abiy Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud, khilaafkaas ayaa salka ku hayay wadada ay Itoobiya usoo marty qaadashada Badda Soomaliya.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay, in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen go’aan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafkooda, kaddib wadahadal uu magaalada Ankara kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Shirkan oo lagu qabtay Caasimada Turkiga ayuu Erdogan wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, sida ay ugu heshiiyeen khilaafka Badda ee wayadaan soo jiitamayay, wuxuuna heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo dhexmaray Labadan Mas’uul.
Bayaanka ay soo saaraty dawladda Turkiga ayaa intaa ku daray, in Labada dhinacba ay garwaaqsadeen faa’iidooyinka ka dhalan kara in Itoobiya si nabad ah ku gasho badda Soomaliya, iyadoo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna Xassan Sheekh sixiixay in Itoobiya ay yeelan karto qayb kamida Badda Soomaaliya.
Erdogan oo hadalkiisa sii wataa ayaa yiri “Anagoo ka duulayna dalabaadka Itoobiya ee ku wajahan helitaanka badda, waxa aan rajaynayaa in kulankayagan maanta aanu xal kama dambays ah uga gaarno hawshaas, waxaana ku kalsoonahay in Sheekh Maxamuud uu bixin doono taageerada iyo taakulaynta loo baahan yahay ee ku saabsan in Itoobiya ay hesho qayb kamida Badda Soomaaliya”.
Tan iyo horaantii sanadkan hada sii dhamaanaya ee 2024-ka, waxaa dhawladda Fadaraalka iyo Itoobiya ka dhex taagnaa khilaaf siyaasadeed oo ku qotoma is afgaradkii dhex maray Musa Biixi iyo Abiy Axmed ee Itoobiya loogu gacan galiyay qayb kamida badda Soomaaliya, wuxuuna Xassan Sheekh sheegay in uusan Badda u diidayn Itoobiya, balse uu doonayo in isaga lasoo maro, waxaana hada muuqata in uu Itoobiya u saxiiixay inay qabsato qaybo kamida Badda Soomaaliya.