Xasuuq ka Dhacay Beit Lahia iyo Ciidamada Gumaystaha oo Bambaanooyin ku Garaacay guryaha iyo teendhooyinka dadka barakacayaasha ah.

18
0

20 Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday subaxnimadii Talaadada, xasuuq cusub oo ay ciidamada gumaystaha  Yahuudda ka geysteen magaalada Beit Lahia, iyada oo ay weli sii socoto beegsiga isbitaallada, guryaha iyo teendhooyinka dadka barakacayaasha ah ee Marinka Qaza.

Ciidamada gumaystaha ayaa ku dilay Marinka Qaza in ka badan 70 falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, kuwaas oo 45 kamid ah lagu dilay waqooyiga marinka Qaza,  sida laga soo xigtay warbaahinada.

Duqayn ay ciidamada Sahaayinada ku garaaceen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Deir al-Balah ee bartamaha marinka Qaza ayaa sababtay dhimashada 2 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca dad kale oo ay ku jiraan carruur.

Deegaanka Al-Zawaida ee bartamaha Marinka Qaza, 4 falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday, halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen, kadib duqayn ay ciidamada gumaystaha la beegsadeen  teendho ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaankaas.

3 falastiiniyiin ah oo uu ku jiro ilmo yar ayaa sidoo kale ku shahiiday duqayn ay Sahaayinada la beegsatay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Macan, ee bariga magaalada Khan Yuunis, taas oo dhacda koonfurta marinka Qaza.

Deegaanka Abasan Al-Kabira oo dhanka bari kaga beegan Khan Yuunis, waxaa lagu dhaawacay tiro Falastiiniyiin ah, kadib markii la duqeeyay guri ku yaalla deegaankaas.

Yahuudda waxay sii wadaa beegsiga isbitaallada marinka Qaza sida: Kamaal Adwan, Indonesian  iyo isbitaalka Al-Awda, taasoo keentay in isbitaallada ay gabaan adeegyadii  caafimaadka ee ay bulshada u hayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here