Xasuuqii Jabaliya ee billowga sanadka cusub iyo Al-Qassaam oo duqayn ka geysatay marinka Qazza.

9
0

Barqanimadii Saakay ee Arbacada ayay ciidamada guumaysiga Yahuudda bilowgii sanadka cusub xasuuq ba’an ka gaysteen deegaanka Jabaliya ee waqooyiga marinka Qazza, halka iska caabinta falastiiniyiintuna ay mar kale gantaalo la beegsadeen marinka Qaza.

Dadka deegaanka ee cusub ayaa helay duqeyn cirka ah oo ay ku dhinteen dad shahiid ah oo ku dhaawacmay dhowr goobood, waxaana tani ay ku soo beegantay iyadoo biyaha roobka ay buux dhaafiyeen kumanaan teendho ah oo ay gabaad ka dhigteen dadka barakacay.

Ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in weerar ay Yahuudda la beegsatay guri ay deggan yihiin qoyska Taroosh oo ku yaalla Jabaliya al-Balad, halkaas oo ay ku dileen 8 Falastiiniyiin ah oo u badan carruur kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa duqeymo ka fuliyay deegaano kale oo dhanka waqooyi kaga beegan marinka Qazza, mid kamid ah waxa ay la beegsadeen warshad biyaha nadiifisa oo ku taal wadada qadiimiga ah ee Gazza ee Jabaliya al-Balad.

Isla waqtigaas,Waxaa lasoo sheegay in ciidamada gumaysigu ay saaka aroortii qarxiyeen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal Beyti Lahiya iyo xerada Jabalia oo sidoo kale waqooyiga ka xigta marinka Qazza.

Tan iyo shantii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, ciidamada Yahuudda waxay bilaabeen duullaan ballaaran oo ka dhan ah waqooyiga marinka Qazza, taasoo sababtay dhimashada ilaa 4,000 oo falastiiniyiin ah, kumanaan kalena ay u barakaceen magaalada Gazza ee koonfurta.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here