Xasuuqii Marinka Gaza ka dhacay, Askar Yahuudda laga Dilay iyo Xisbullaah oo Sheegtay Saababta Doorashada Naciim Qaasim.

27
0

Waa Maalintii 390-aad ee duullaanka gardarada ah ee Yahuddu ku hayo Walaalaheena Muslimiinta Gazza,  Qabsadayaasha ayaa sii wada duullaanka uu ku hayo dhulka falastiiniyiinta, waxaana halkaas ku dhintay dad shahiid ah iyo kuwo dhaawac ah, ka dib markii ay ku shahiideen 93 falastiiniyiin ah, ku dhawaad ​​40 kalena ay ku waayeen xasuuqii ka dhacay mashruuca Beit Lahia ee waqooyiga Gaza. .

Dhanka kale Xisbullaah waxay ku dhawaaqday in Naciim Qasim loo doortay Xoghayaha Guud, iyadoo la eegayo duqeymaha joogtada ah ee ka imanaya Lubnaan ee goobaha iyo deegaamaynta waqooyiga Dhulka Yahhuudda iyo weerarada joogtada ah ee Yahuudda ay ku hayso magaalooyinka Lubnaan.

Ilaha warbaahinta Yahuudda ayaa sidoo kale sheegay in 33 askari lagu dilay howlgal dhulka ah oo ka socday gobolka koonfurta Lubnaan tan iyo 1-dii October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here