Xildhibaan Bashiir Ameriko oo ka mid ah xildhibaanada DF ka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku dhex arkay xerada Xalane sarkaalka ugu sareeyo sirdoonka Xabashida Itoobiya.
Xildhibaan Ameriko ayaa yiri: “Xalane waxaan ku arkay Ninka ugu sareeya Sirdoonka Itoobiya, Xalane ayuu iska dhex Wareegayaa.”
Arintaan ayaa fadeedax ku ah sirdoonka dowlada Xasan Sheekh oo aan kawar qabin amniga dalka iyo sarakiisha shisheeye ee dagaalka kula jira Soomaaliya ee hadana ku dhex sugan gudaha caasimadda dalka we Moqdisho.
Xerada Xalane ayaa noqotay tan iyo markii ciidamada shisheeye ay saldhigteen xeradaas, astaan gumaysi waa sida ay aaminsan yihiin shacabka Soomaaliyeed.