Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Uganda oo La Helay kadib Markii Laga Afduubay Caasimadda Dalkaas.

8
0

Xildhibaan iyo qareen ka tirsan baarlamaanka dowladda Uganda ayaa la helay kadib markii si qasab ah Jimcihii looga afduubay magaalada Kambaala ee caasimadda dalkaas.

Xildhibaankan Yugaandhayska ah oo in ka badan laba maalmood la waysanaa ayaa dorraad laga helay xaafad ka tirsan caasimadda, isagoo xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato, waxaana jirkiisa ka muuqday jirdil, sida ay sheegtay xaaskiisa.

Ururka Qareenada ee Uganda ayaa xaqiijiyay, in afduubka ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee dalkaas, kuwaas isticmaalayay diyaarad aan duuliye lahayn, waxayna dhaleeceeyeen, wax ay ku tilmaameen qamcinta iyo cadaadiska ay ku hayso dowladda ka hor doorashada la filayo inay dalkaas ka dhacdo bilawga sanadka soo socda ee 2026-ka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, inuu xildhibaankan caan ku ahaa dhaleeceynta madaxweyne Uganda ee Yuweri Muzafani, inkastoo uu ka tirsan yahay xisbiga talada dalka haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here