Marc Bottinga, oo ah wakiilka dalka Belgian ka u fadhiya midowga Yurub ayaa yiri: “Sannadihii ugu dambeeyay waxaa cunaqabatayn militari lagu soo rogay dalal kala duwan, marka laga reebo Israa’iil! Waa maxay sababta? Sababtu Waa in Israa’iil ay tahay mashruuc gumeysi, waxaa si dhab ah u taageera imbarayaaliyadda reer Yurub oo siiya hub iyo malaayiin dollar oo lacag ah.
Xildhibaan Marc Bottinga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: Gowraca falastiiniyiinta ma suurto galeen haddaanay reer Yurub sii wadi lahayn ka qaybqaadashada xasuuqa ay wado Israa’iil!
Qaar ka mid ah magaalooyinka iyo caasimadaha wadamada reer galbeedka waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayo Falastiin, laguna cambaareynayo xasuuqa joogtada ah ee gumaystaha Yahuuda ay u gaysanayaan muslimiinta reer Falastiin.
Bulshooyinka reer galbeedka ayaa tan iyo markii uu bilowday xasuuqa ka dhanka ah reer Falastiin indhaha ku kala qaaday tageerada ay dowladahoda siiyaan gumaystaha Yahuuda iyo sida ay qaybta oga yihiin xasuuqa argagaxiso ay wado xukumada gumaystaha Yahuuda.