Xildhibaan Murjaan oo kamid ah barlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay in Xassan Sheekh iyo madaxda kale ay xilliyada qaar dhahaan Itoobiya waa cadow, saaso ay tahay ay u dhuunto Itoobiya.
Xidhibaanka oo warbaahinta la hadlaaya ayaa yiri:
Waa la socotaan wasiirka gaashaandhiga, wasiirka arimaha dibadda iyo dhamaantood waxay wada joogaan Itoobiya, oo waxaa ugu horeeyo madaxweynaha, waxaa horey u dhahdeen Itoobiya cadow ilaahay waaye, lkn inaa 24saac aad u dhuumatid oo diyaarad u qaadatid madaxweyene maxaa keenay.
Si kastuu xaalku yahay Xasan Sheekh ayaa waqtiyo badan ku laalabta safarada Itoobiya xilli ay shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan waxa iska badalay go’aanada gurracan ee dowlada xabashida Itoobiya ka qaadatay jiritaanka Soomaaliya.