Xisbullaah oo duqaysay fariisimo ay leeyihiin ciidamada Yahuuda.

34
0

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa subaxnimadii hore ee manta, weerar duqayn ah la beegsatay saldhigga Soma ee ku yaalla deegaanka Golan ee gumaystaha Yahuudu xooga ku haysto, in ka badan boqol gantaal ayay 24-kii saac ee la soo dhaafay ku duqeeyeen goobo badan oo ay leeyihiin ciidammada Yahuuda, halka ciidanka Sahaayinada ay wali sii wadaan duullaanka ay ku hayaan magaalooyinka  Koonfureed ee dalka Lubnaan.

Ururka Xisbullah ayaa xaqiijiyey in markii labaad ay madaafiic la beegsadeen dhaqdhaqaaqyada askarta Yahuuda ee ku sugan Gate Fatima, isla markaana ay si toos ah u garaaceen, iyagoo gantaallo la beegsaday xeryaha Honen iyo Zarit ee ay leeyihiin ciidamada Yahuuda.  Goobaha kale ee ay duqaymuhu saameeyeen waxaa kamida saldhiga  Jardah, deegaanka Kafar Giladi iyo xerada ciidanka Yahuuda ee dhacda deegaanka Meliya ee waqooyiga dhulka yahuudu xooga ku haysato ee Falastiin.

Tani waxay ku soo beegmaysaa  iyadoo ciidamada Yahuudu ay sii wadaan, duqeymaha ay ku hayaan koonfurta Lubnaan, iyo magaalooyinka ku yaala bariga dalkaas, waxay sidoo kale bar-tilmaameedsadeen saldhig ciidamada Lubnaan ee ku leeyihiin magaalada koonfureed ee Kafra.

Ilo maxaliya ayaa sheegay in madaafiic ay Yahuudu soo rideen lagu duqeeyey magaalooyinka Ramiya iyo Ciita-shacab oo dhaca koonfurta Lubnaan, waxaana sidoo kale duqeymaha Yahuuda lala beegsaday deegaanka Jabal-Salxaani iyo agagaarka magaalada Naaquurah ee koonfurta Lubnaan. Ciidamada Yahuuda ayaa duqeymo ka geystay dhowr magaalo oo ku yaalla xuduudka degmooyinka Hasbaya, Marjiciyuun iyo Bint Jabiil  ee kuyaala  koonfurta Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 7 qof ay ku dhinteen halka ay 12 kale  ku dhaawacmeen duqeymaha ay Yahuudu la beegsadeen magaalooyinka Al-Bisariya, Ansariyah, iyo Al-Ghasiyah ee dhaca koonfurta dalkaas.

Dhankooda, ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in laba askari looga dilay saddex kalana looga dhaawacay weerar ay Yahuudu ku qaadeen  mid ka mid ah xarumaha ay ku leeyihiin magaalada Kafra, ee koonfurta dalka Lubnaan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here