Xisbullaah oo Duqaysay Saldhig Millatari oo ku Yaalla Haifa iyo Weeraradii ugu Dambeeyay ee Yahuudddu ku Qaaday Lubnaan.

16
0

Ururka Xisbullaah ee Lubnaan ayaa ku dhawaaqay manta, in dagaalyahannadoodu ay duqeeyeen warshad military oo lagu magacaabo  Zovulon, taas oo  ku taalla waqooyiga magaalada Haifa, iyagoo adeegsanaya gantaallada riddada dheer, halka ciidamada Yahuuddu ay ku dhawaaqeen in ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo kasoo duushay dalka Lubnaan.

Tan iyo waaberigii maanta ururka Xisbullaah ee shiicada ah, ayaa diyaarado iyo gantaallo ku weeraray magaalooyinka iyo deegaanada Yahuuddu ay gumaysiga ku haysato ee Falastiin,  duqaymahaas ayaa sababay khasaare xooggan oo soo gaaray ciidamada Sahaayinada.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Yahuudda ayaa sheegay subaxnimadii hore ee manta, in ciidamadiisu ay weerar ku qaadeen bartilmaameedyo ay ciidamada shiicada ah ee Xisbullaah ku lahaayeen duleedka koonfureed ee magaalada Beirut.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Cirka ay weerareen xaruntii taliska Xisbullaah, oo ahayd goob lagu sameeyo hubka, taas oo ku taalay duleedka koonfureed ee magalaada Bairut.

Illo madaxbanaan oo goonjoogayaal ah ayaa kusoo waramaya in diyaradaha Sahaayinadu ay 14 weerar la beegsadeen deegaanada Haret Hreik, Burj Al Barajneh, Al Hadath, Al Laylaki iyo kuwa kale oo ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Bairut, waxaana weeraradan ay geysteen burbur baahsan oo soo gaaray dhismayaal la daganaa.

Dhanka koonfurta Lubnaan, wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 3 qof lagu dilay 30 kalena lagu dhaawacay duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay magaalada Tire.

Saacadihii la soo dhaafay, Yahuuddu waxay duqayn la beegsatay tiro ka mid ah magaalooyinka ku yaalla degmooyinka Tire, Nabatieh, Marjayoun, Hasbaya, iyo Bint Jbeil ee koonfurta dalkaas.

Tan iyo bishii hore, Yahuuddu waxay xoojisay duqeymaha cirka ah ee ay ku hayso goobaha loo arko inay ururka shiicada ah ee Xisbullaah ku xooggan yihiin, ee u dhow magaalada Beyruut iyo koonfurta dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here