Xalay weerarkii ugu cuslaa ayey fuliyeen xoogagga Shicada la baxay Xisbullaah ee ka dagalama Lubnaan, ayagoo isticmaalay Diyaarada nooca loo yaqaanno Mirsaad kow oo ah midkamida Diyaaradaaha ay Farsameysay Dowladda iiraan, ayadoo xisbullaah ay sheegtaan inay iyaga farsameysteen.
Diyaaradaan ayaa lagu weeraray saldhig ay ku sugnaayeen Guutada lagu magacaabo Golaani, Saldhigaan ayaa lagu magacaabaa Binyamin kaasoo magaalada Xeyfa kaga beegn Koonfurta.
Xeyfa ayaa ku yaalla Shirkadaha soo saara Hubka iyo Saldhigyada ugu weyn ee ay leedahay Yahuudda.
Weerarkan ayaa yahuuda ay ku sheegteen in looga dilay 4 askari ayagoo loaga dhaawacay 67 kale.
Weerarkaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay weerarakii ugu cuslaa oo ay qaadaan ururkan shiiciga ah ee Xisbullaah.
Dhanka kale askarta Yahuudda ayaa isku dayay inay 2 kilo mitir ujirsadaan xadka Lubnaan, Waxayna lakulmeen iska cabin xooggan ayagoo laga dhigay wax dhintay iyo kuwo dhaawacmay, Xisbullaah ayaa weerarkaan ku sheegataay inay ku dishay in kabadan 100 askari, Taaasoo yaahuudda u ah maalin dhimasho ah.