Xisbullaah oo Sheegatay Inay Soo Rideen Diyaarad ay Leedahay Yahuudda, Waxayna Beegsadeen Saldhigyo Muhiim u ah Gumaystaha.

30
0

Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay, inay soo rideen diyaarad nooceedu yahay Hormuz 900 oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu ay leedahay, Ururka ayaa bayaan uu soo saaray Fiidnimadii Axadda ku sheegay, inay soo rideen diyaaradaas,   iyagoona faahfaahin dheeraad ah aan ka bixinin goobta ay howlgalka ka fuliyayeen.

Sidoo kale waxay bilaabeen maleeshiyaadka hawlgalo ay ku bartilmaameedsanayaan saldhigyada iyo deegaamada ay degan yihiin ciidamada Sahaayinada,  xisbigu waxa uu xaqiijiyey duqeymo lala beegsaday goobo kala duwan oo ay Yahuuddu leedahay, oo ay ku jiraan deegaanka Kiryat Shmona  iyo saldhigga Beit Hillal.

Xisbiga ayaa sidoo kale beegsaday, isku imaatin ay ciidamada Yahuudda ku lahaayeen deegaanka Al-Malikiyah, xaafadda bari ee magaalada Marka iyo Jabal Kahil oo ka tirsan magaalada Maruun Al-Raas.

Xisbiga ayaa shalay oo Axad ahayd ku dhawaaqay, in dagaalyahannadooda ay gantaallo ku duqeeyeen saldhigga Tirat al-Carmel, oo ku yaalla koonfurta magaalada xeebta ah ee Haifa, iyo saldhigga difaaca gantaallada hawada ee Berea, oo waqooyi bari ka xiga magaalada Safed, wuxuuna intaas ku daray in la beegsaday saldhigga Shimsmoun oo ku yaalla galbeedka badda Galile.

Dhinaca kale Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in ururka Xizbullaah ay soo rideen in ka badan 170 gantaal, taasoo keentay in uu kaco dab aad u baahsan goobihii ay ku dhaceen,  Waxayna intaas raaciyeen in 15 dab-damis ah ay ka shaqeeyeen daminta dabkii ka kacay marinka sare ee Galiil, taasoo ka dhalatay gantaallo laga soo tuuray Lubnaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here