Xisbullaah oo weerartay saldhiga ciidamada badda ee Yahuuda.

36
0

Iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka taagan koonfurta Lubnaan, ayaa maanta oo Isniin ah, Xisbullah waxa ay ku dhawaaqday in ay gantaallo la beegsatay xero milateri oo ay leeyihiin cidamada Yahuudda, ayadoo sheegtay inay duqayn ku garaacday saldhigga ciidammada badda ee u dhow magaalada Haifa.  Maalin un kadib markii diyaarad Drone ah ay weerar ku qaaday saldhig tababar kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan afar askari oo Yahuud ah.

Bayaan kasoo baxay Xisbullaah ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadoodu ay gantaallada ridadda dheer  ku duqeeyeen saldhigga ciidamada badda ee Stella Maris ee ku yaala waqooyi-galbeed magalada  Haifa,  saacado ka dib markii ay ugu hanjabeen Yahuuda inay weeraro culus ku qaadi doonaan  haddii ay sii wadaan duqaymaha ay ku hayaan Lubanaan.

Xisbullaah ayaa sidoo kale manta sheegtay  inay askar katirsan Yahuudda, ku beegsatay gudaha magaalada Maroun al-Ras ee dhacda koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay Yahuuddu ka wadaan weeraro abaabulan  tan iyo dabayaaqadii Sebtembar.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin un kadib markii weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duliyaha lahayn ee  Drone-ka lagu  beegsaday saldhigga Binyamina ee koonfurta Haifa, waxaa wali  isasoo taraya khasaarihii ka dhashay weerarkaas, dhimashada ayaa kor udhaaftay 4 askari halka in kabadan 60 kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here