Kooxda Xisbullah ayaa sheegtay in ay la beegsatay saldhiga Ramat David tobanaan gantaal oo ah nuuca Fadi 1 iyo Fadi 2, waxa kale oo ay la beegsatay saldhiga Ramat David iyo garoonka diyaaradaha ee koonfurta bari ee Xayfa iyada oo lala beegsaday tobanaan gantaal.
Warbaahinta gumaystaha Yahuuda ayaa xaqiijiyay in gantaal uu ku dhacay meel u dhow saldhiga Ramat David, waxaana wariyayaal u dhaw saldhigga la weeraray ay soo sheegeen in la maqlay qaraxyo ka dhacay deegaanka Nahalal oo ku dhagan saldhiga ciidamada cirka gumaystaha Yahuuda ee Ramat David ee ku yaala Marja Bin Caamir ee bariga Xayfa.
Waxaa xusid mudan in wasiirka amniga gumaystaha Yahuuda “Yoav Galant” uu booqday saldhiga Ramat David Arbacadii la soo dhaafay, asagoo halkaas kaga dhawaaqay bilowga wajiga cusub ee dagaalka lagu qaadaayo Lubnaan.
Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalka Lubanaan ka codsatay inay si degdeg ah uga baxaan dalka Lubnaan inta ay jiraan duulimaadyada ganacsi, waxaanay wasaaraddu bayaan ay soo saartay kaga digtay in haddii ay xaalada Lubnaan xumaato aanay jiri doonin wax duulimaadyo ah.