Gelinkii hore ee maanta oo Talaado ah, booliska Sahaayinada ayaa ku dhawaaqay, in 3 qof ay ku dhaawacmeen, dhismana uu soo gaaray burbur, kaddib markii uu Urur Xizbullaah uu gantaalla ku garacay magaalada Nahariya, halka warbaahinta Yahuudda ay sheegtay, in xaalad feejignaan ah laga dareemayo furimaha dagaalka, xilli gantaallada Xizbullaah ay noqdeen kuwa isdaba joog ah.
Booliska Yahuudda ayaa sidoo kale sheegay, in dhismo iyo tiro gaadiid ah ay waxyeello kasoo gaartay gantaallada lagu soo tuuray Nahariya.
Dhanka kale, ciidamada Sahaayinada ayaa sheegay, inay heleen illaa 10 gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan, kuna wajahnaa Galbeedka Galiil, ayna qabteen qaar ka mid ah gantaaladaas.
Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay, isku dayo ay ciidamada cirka ee Yahuudda ku doonayeen in ay ku qabtaan gantaalaha dulmaraya magaalada Nahariya, waxaana dhawaaqa seeriga laga maqlayay magaalooyin iyo deegaamo badan oo ku yaalla waqooyiga dhulka Falastin ee ku jira gumaysiga Sahaayinada iyo Galiil.
Wariyaha Aljazeera ee Beirut ayaa sheegay, in tan iyo subaxnimadii shalay ee ay Xizbullaah soo saartay 20 bayaan oo ku saabsan howlgallada dagaalka ee ay fulisay, kuwaas oo isugu jira gantaallo iyo weeraro lala beegsaday magaalooyinka iyo deegaamada ay Yahuudda xoogga ku haysato oo ay ku jirto Nahariya.
Dhanka kale, Channel-ka 14-aad ee Yahuudda ayaa sheegay, in ay jirto xaalad feejignaan ah oo dhinac walba ah, iyada oo la qiyaasayo in mar qura weerarro gantaallo ah lagu garaaco goobo dhowr ah oo ka tirsan dhulka ay Yahuudda gumaysato.