Shalay oo Axad ahayd, Ururka Shiiciga ah ee Xizbullaah ayaa qaaday weerarradii ugu weynaa oo loo adeegsado gantaallo, waxayna ciidamada Yahuudda xaqiijiyeen in Xizbullaah ay soo riday 350-gantaal subaxnimadii shalay, waxayna tilmaameen in tiro badan oo ka mid ah gantaalladaas la qabtay, halka inta badan goobihii la beegsadayna laga maqlayay seeriga digniinta bixiyo, waxayna ciidamada intaas ku dareen, in 4 qof ay ku dhaawacmeen burburka gantaallada.
Idaacadda ciidamada Yahuudda oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay, in 4 Milyan oo qof ay galeen qolalka looga gabada gantaallada kaddib weerarradan.
Kaddib duqeyntii Tel Aviv Xizbullaah ayaa daabacday, sawir muujinaya saameynta ka dhalatay gantaaladii shalay lala beegsaday Tel Aviv, waxayna sheegeen Xizbiga in ay duqaymahaas aargud uyihiin waxa ay Sahaayinadu ka gaysanayso magaalada Beirut.
Ururka Xisbullah ayaa sidoo kale baahiyay muuqaalo muujinaya, in ay gantaallo iyo diyaarado la beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada guumaysiga oo ku yaalla magaalada Tel Aviv, waxayna soo bandhigeen sawirro ay ku sheegeen in ay gantaallo iyo diyaarado la beegsanayeen saldhigga Shraga ee ay leedahay Sahaayinada.
Xizbiga ayaa sidoo kale baahiyay muuqaal muujinaya gantaallo lala beegsaday deegaanka Maalot-Tarshiha ee dhaca waqooyiga dhulka Falastiin ee ay Yahuudda gumaysato.
Kooxaha gurmadka deg-degga ah ee Yahuudda ayaa ku dhawaaqday, in 11 Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen Nahariya, Haifa, Petah Tikva, bariga Tel Aviv, iyo Kfar Blum oo ka tirsan Galilee, taasoo ka dhalatay weerarro gantaallo ah oo ay Xisbullaah kasoo riday Lubnaan.
Channel-ka 13-aad ee Yahuudda ayaa xaqiijiyay in dab uu ka kacay goobo ku yaalla Nahariya iyo Haifa, kaddib markii si toos ah loogu garaacay gantaallo laga soo tuuray Lubnaan.