Pentagon-ka Maraykanka ayaa sheegay, in Xoghayaha Difaaca ninka lagu magacaabo Pete Hegseth uu khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, ayagoo kawada hadlay arimo la xiriira xoojinta amniga labada dal.
Bayaan kasoo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Difaacu uu carabka ku adkeeyay in Mareykanka ay si buuxda uga go’an tahay, in Yahuuddu ay yeelato awoodaha ay u baahan tahay si ay isku difaacdo.
Hegseth ayaa sabtidii loo dhaariyay kaddib markii senatarada Mareykanku ay si dirqi ah u xaqiijiyeen inuu yahay xoghayaha cusub ee difaaca, ninkan ayay aad ugasoo hor jeesteen shacabka Maraykanka ayagoo ku eedeeyay khibrad la’aantiisa dhanka hogaaminta ciidanka.
Sabtidii, website-ka Mareykanka ee Axios ayaa soo xigtay 3 mas’uul oo Yahuudd ah, isagoo sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku amray Pentagon-ka, inay soo afjaraan hakinta uu maamulkii isaga ka horeeyay ee Joe Biden uu kusoo rogay Yahuudda ee ahayd bixinta 2,000-round oo bambooyin ka wax gumaada ah.