Millitariga Xarakada Al-Shabaab oo Xalay Madaafiic ku Garaacay Saldhigga Maraykanka ee Balli-doogle.

80
0

Ciidamada xarakada Alshabaab gaar ahaan guutada madafiicda ayaa xalay madaafiic xooggan ku garaacay xerada Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Xerada Balli-doogle ayaa ah saldhig ay dagan yihiin ciidamada Maraykanka iyo maleeshiyaadka Bangaraafta ayaa ilo-wareedyo aanu helnay waxay sheegayaan in gudaha xerada ay ku hoobteen dhammaan madaafiicdii lagu bar-tilmaameedsaday.

Dhanka kale, millitariga Al-Shabaab waxay xalay dagaal culus oo toos ah ku mireen saldhig ay deggen yihiin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ku yaalla degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay weerarradan weil ma aanaan helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here