Kooxda hubaysan ee Arakan ee dalka Myanmar ayaa ku dhawaaqday, inay gacanta ku hayaan xarun weyn oo militari oo ku taalla galbeedka dalkaas, taasi oo muujinaysa in uu meesha ka baxay taliyihii labaad ee ciidamada Milateriga ee dalka Myanmar, kaas oo la kulmaya guul-darrooyin hor leh oo kaga imaanayay iska caabinta hubaysan ee doonaysa inay talada ka tuuraan.
Xooggaga Arakan ayaa bayaan ay soo saareen goor dambe oo fiidnimadii Jimcaha ku sheegay, in taliska milateriga ee galbeedka gobolka Rakhine, oo xuduud la leh Bangladesh ay shalay gacanta ku dhigeen, kaddib dagaallo qaraar oo socday muddo laba toddobaad ah.
Ciidanka Arakanka ayaa qeyb ka ah isbaheysiga ka dhanka ah ciidamada militariga ee duulaanka ku qaaday October 2023-kii, waxayna guulo waawayn ka gaareen xadka Myanmar uu la wadaago Shiinaha.
Kooxahan hubaysan ayaa sidoo kale sheegay in ay difaacayaan xuquuqda Muslimiinta Rohingaha, kuwaas oo sanado badan ciidamada Myanmar kala kulmayay xasuuq joogto ah oo looga sifaynayo dalka.
Bishii Agoosto, isbaheysigan ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Lashio ee ku taalla waqooyi bari ee dalkaas, waana markii ugu horeysay oo ay la wareegaan taliska militariga gobolkaas, tan iyo intuu xukunka hayay hogaamiyaha hada talada dalkaas haya.
Dagaalladan ayaa dib uga soo cusboonaaday Gobolka Rakhine, oo sidoo kale ay ku nool yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingaha ee dalkaas, bishii November ee la soo dhaafay, kaddib markii ay burburtay xabbad joojintii u dhaxeysay xooggaga kooxahan iyo Militariga dalkaas.
Myanmar waxaa ka socday qalalaase tan iyo horraantii 2021-kii markaasoo millatarigu ay afgambiyeen dowladd rayid ah oo la soo doortay, taas oo dhalisay mudaaharaadyo ballaaran oo isu beddelay jabhad hubeysan oo ka soo horjeeda taliska milateriga.