Xooggaga RSF oo Falal Guracan ka Gaystay Magaalooyin ka Tirsan Gobalka Niilka Cad ee Koonfurta Dalka Suudan.

44
0

Ciidamada Dacmu Sariic ayaa falal guracan ka gaystay magaalooyin ka tirsan Gobalka Niilka Cad ee Koonfurta dalkaas, ayagoo halkaas ku dilay in kabadan 20 qof oo rayid ah.

Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in 27 qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Ciiddanka Taageerada Degdegga ah ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Gobalka Niilka Cad ee Koonfurta dalkaas.

Hay’ad lagu magacaabo “Call of the Middle – White Nile State” ayaa shaaca ka qaaday in tuulooyinka Al-Kadaris iyo Al-Khalwat ay ka dhaceen xasuuq baahsan oo loo geystay dadka rayidka ah, iyadoo ay sii dheertahay afduubyo lagula kacay dadka deegaanka, waxaana gabood faladan lagu eedeeyay inay gaysteen ciidamada Taageerada degdega ah ee ku sugan magaalada Al-Qatana.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in tuulooyinka Al-Kadaris iyo Al-Khalwaat ay ka dhaceen fal-dambiyeedyadii ugu foosha xumaa ee deeganadaas ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada RSF la wareegeen gacan ku hayntooda.

Illo wareedyo maxali ah ayaa sheegay, in magaalada Qatina ay ka jiraan xaalado amni iyo kuwo bini’aadantinimo oo aad u adag, kaddib markii ay ciidamada Taageerada degdega ah ku soo rogeen go’doomin adag tan iyo bishii December ee sanadkii 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here