Xukuumada Shiicada ah ee Iiraan oo Ku Dhawaaqday Inay Soo Riday Labo Diyaaradood oo Nooca Dagaalka ah.

13
0

Waxaa cirka isku shareeray xiisadda militari ee u dhaxaysa Iiran iyo Yahuudda, kaddib markii ay xukuumada Tehraan ku dhawaaqday, in ay ku guulaysatay soo ridida laba diyaaradood oo nooca dagaalka ah ay Yahuuddu kusoo weerareen dalkaas, isla markaana ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah duuliyayaashii diyaaradahaas.

Soo ridida diyaaradahan ayaa lagu shaaciyay war kasoo baxay dawladda Iiraan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Tasniim, taas oo sheegtay, in dhacdadani ay kusoo beegantay xilli ay Iran si buuxda uga jawaabayso weerarradii ay Yahuuddu ku beegsadeen Tehraan iyo magaalooyin kale shalay jimcihii.

Weerarkan ayaa ah falcelintii ugu horreysay ee ay Tehraan kaga jawaabtay hawgalkii lagu bartilmaameedsaday xarumaha Nukliyeerka, warshadaha lagu farsameeyo gantaalada iyo saldhigyo milatari, kaas oo sababay dhimashada saraakiil sare oo ay kamid ahaayeen taliyaha guud ee ciidamada Iiran Maxamed Baqeri iyo taliyaha ilaalada kacaanka Xuseen Salaami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here