Xukuumada Shiicada ah ee Iiraan oo Shaacisay Geerida Mas’uul Sare oo Horay Usoo Noqday Wakiilka Hogaamiyaha Ruuxiga ah Cali Khumayni.

10
0

War kasoo baxay Taliska Ilaalada Kacaanka ee dalka Iiraan ayaa shaaciyay geerida Cali Taa’ib, oo horey u ahaan jiray wakiilka hogaamiyaha ruuxiga ah Cali Khumayni. War-saxaafadeedka oo ahaa mid kooban ayaan lagu xusun wax faahfaahin ah oo la xiriirta sababta ka dambaysay dhimashadiisa.

Cali Taa’ib ayaa geeriyooday dabayaaqada isbuucii ina dhaafay, balse tan iyo markaas, wax war ah oo rasmi ah loogama helin hay’adaha Iiraan kuwooda ammaanka iyo sirdoonka oo si dhow ula shaqeyn jiray Taa’ib.

Dawladda Iiraan ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka ay kula jirto Yahuudda waxaa safkeeda ka baxay saraakiil, iyo mas’uuliyiin badan oo jagooyin muhiim ah ka hayay dawladda, taas oo dhabar jab caskari ku noqotay xukumada Tehraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here