Iiraan oo Xirtay 5 Qof oo Lagu Eedeeyay Inay Jawaasiis u ahaayeen Laamaha Sirdoonka ee Yahuudda.

9
0

Warbaahinta rasmiga ah ee xukuumada Iiraan ayaa shaacisay, in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen shan qof oo lagu tuhunsan yahay inay la shaqaynayeen hay’adda sirdoonka Yahuudda ee Muusaad, iyagoo sawirro ka qaaday goobo muhiim u ah ammaanka dalkaas, kuna yaalla magaalada Yazdi ee ku taalla bartamaha dalka Iiraan.

Xafiiska xeer-ilaalinta ee gobolka Yazdi ayaa sheegay, in shakhsiyaadkan ay sirdoonka Yahuudda u direen sawiro iyo macluumaad ay ka diyaariyeen xarumo muhiim u ah xukuumada shiicada ah ee Iiraan.

Dhanka kale, wargeyska Haaritis ee kasoo baxa maamulka Yahuudda ayaa shalay Jimcihii daabacay warbixin uu ku sheegay, in saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Yahuuddu ay daaha ka rogeen in Muusaad ay muddo kahor gudaha Iiraan ka dhisatay saldhigyo sir ah, si ay ugu fududaato weerarro ay Yahuuddu ku qaadaan dalkaas.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in diyaarado aan duuliye lahayn oo miinooyin xambaarsan lagu kaydiyay gudaha dalka Iiraan, taas oo u suurtagelisay Yahuudda, inay si toos ah uga weerarto bartilmaameedyo ciidan iyo kuwo Nukliyeer ah gudaha dalka Iiraan, kuwaas oo ay qayb ka ahaayeen jawaasiis ay Yahuuddu ku dhex beerteen xukumada shiicada ah ee Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here