Xukuumadda Cusub ee Suuriya oo Baabi’inayso Raadadka Nidaamkii Burburay ee Bashaar Al-asad.

7
0

Wasiirka caafimaadka ee dalka Suuriya Maher Al-Sharaa ayaa soo saaray go’aan uu wax kaga bedelayo magacyo dhowr isbitaal oo xiriir la leh wasaaradda tacliinta sare iyo cilmi baarista sayniska, kuwaasoo hoos yimaada maamulka wasaaradda caafimaadka, iyadoo laga duulayo go’aanka Taliska Guud ee dalka Suuriya.

Xukuumadda ku meel gaarka ah ee dalka Suuriya ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqday, inay bedelayso magacyada xarumo badan oo caafimaad iyo kuwa waxbarasho oo dalkaasi ku yaalla, kaddib markii ay muddo tobanaan sano ah ku xirnaayeen maamulkii hore, haddii ay ahaan lahayd xisbiga Baath ama qoyska Asad oo talada gacanta ku hayay.

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda ku meel gaarka ah ee Suuriya waxay go’aansatay in la beddelo magacyada tiro isbitaallo ah oo ku yaalla dalkaas, kuwaas oo xambaarsanaa magacyada mamulkii laga tuuray talada ee Bashaar Al-Asad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here