Seeriga digniinta bixiya ayaa subaxnimadii hore ee saaka laga maqlay magaalada barakaysan ee Qudus iyo magaalooyin kale oo kamid ah dhulka Falastiin ee ay Yahuuddu gumaysato, kadib markii gantaal laga soo ganay Yemen.
Muuqaal la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa muujinayay kumannaan Yahuud ah oo iyagoo argagaxsan u anfariiraya dhanka godadka ay ooga dhuumaalaystaan gantaallada, xilli nidaamka difaaca hawada ee Sahaayinada uu isku dayay inuu ka hortaga gantaalkaas.
Ma jirto wax tafaasiil ah oo la xiriira halka uu ku dhacay gantaalkaas, balse ciidamada gumaystaha Yahuudda ayaa inta badan qariya khasaaraha gaara , iyagoo ku andacooda inay soo rideen.
Kooxda Xuuthiyiinta ayaa dhawaan ku dhawaaqday, inay dib u bilaabayso howlgalkeeda militari ee ka dhanka ah Yahuudda, maadaama uu Mareykanka Yahuudda darteet uu weeraray goobaha ay maleeshiyaadkaasi ka maamulaan Yemen.