Xuuthiyiinta oo ku Dhawaaqay inay soo Rideen Diyaarad Drone ah oo uu Leeyahay Maraykanka.

11
0

Xoogagga Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii Isniinta, in ciidamadoodu ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee uu Mareykanku leeyahay, taas oo dulheehaabaysay hawada gobolka Ma’rib ee bariga Yemen.

Yahya Sariic, oo ah afhayeenka maleeshiyaadka Xuutiyiinta, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, inay gantaalka nooca balaastigada ah kusoo rideen diyaarad Drone ah nooceeduna yahay MQ-9 , taas oo uu Mareykanka kusoo weeraray gobolka Ma’rib ee bariga dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray, in diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay tahay tii lix iyo tobnaad, oo ay ku guulaysteen inay soo ridaan intii uu socday xasuuqa ka dhanka ah Marinka Ghaza.

Tan iyo 15-kii bishii Maarso, waxaa sare u kacday dhaq-dhaqaaqa militari ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Mareykanka, kadib markii kooxda xulafada la ah Iran ay ku dhawaaqeen, inay dib u bilaabayaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta reer Galbeedka iyo kuwa Yahuudda ee mara Badda Cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here