Xoogagga Xuuthiyiinta ayaa galabnimadii shalay gantaal ku garaacay dhulka ay Yahuudda xoogga ku haysato ee Falastiin, kaas oo sababay, in la hakiyo isku-socodka hawada ee garoonka loo yaqaano Bin-Gooriyaan ee ku yaalla magaalada Talla’biib, iyadoo seeriga digniin bixiyo laga maqlayay tobannaan goobood oo ku yaalla dhulka Falastiin ee la haysto, sida ay sheegeen warbaahinta Yahuudda.
Jabhadda gudaha ee Yahuudda ayaa sheegtay in 139 goobood oo ku yaalla dhulka ay Yahuudda gumaysato laga hawlgaliyay seeriga digniinta bixiya, kadib markii gantaal laga soo tuuray Yaman.
Mawqica Falayt Weer, oo ah shabakad ku takhasustay dabagalka duulimaadyada, ayaa muujisay khalkhal weyn oo ku yimid duulimaadyadii ku xirnaa garoonka Bin-Gooriyaan, kadib markii la hawlgeliyay digniinaha ku aaddan socodaalka hawada, isla markaana la xiray garoonkaas.