Askari ka tirsan ciidamada dawladda Yemen ayaa lagu dilay, halka lix kale lagu dhaawacay, kadib weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ku leeyihiin gobolka Ma’rib ee Waqooyi-Bari ee dalkaas.
Xarunta warbaahinta ee ciidamada Yemen ayaa sheegtay, in hal askari looga dilay afar kalana looga dhaawacay ciidamadooda, weerar ay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ay taageerto Iran ku qaadeen fariisimo ay ciidamadu ku leeyihiin Al-caarif iyo Al-cakad ee koonfurta magaalada Ma’rib.
Xarunta warbaahinta ee ciidamada Yemen ayaa tilmaamtay, in labo askari oo kale ay ku dhaawacmeen weerar kale oo ay diyaarad Drone ah ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin qeybta Madghal, ee waqooyiga gobolkaas qaniga ku ah saliidda.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii kordhayay dagaalada wejiyada kala duwan leh ee dalkaasi ku dhexmaraya xoogaga Xuuthiyiinta iyo ciidamada Yemen, iyadoo laga cabsi qabo inuu mar labaad uu dagaal ka dhex qarxo labadaas maamul, halka uu burburay hashiiskii xabad joojinta ahaa ee ay garwadeenka ka ahayd waxa loogu yeero Qaramada Midoobay.