Xuutiyiinta oo ku Dhawaaqday inay soo Rideen Diyaarad Daroon ah oo uu Leeyahay Maraykanka.

11
0

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta shaaciyay, inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 oo uu leeyahay Maraykanka, xilli ay hawlgalo ka fulinaysay hawada gobolka Al-Jawf, ee waqooyi-bari ee dalkaasi.

Afhayeenka kooxdaas, ninka lagu magacaab Yaxye Saree ayaa sheegay,  in diyaaraddani ay tahay tii saddexaad oo ay soo ridaan muddo 10 maalmood gudahood ah, halka ay noqonaysa tii 18-aad ee laga soo rida Maraykanku tan iyo markii uu bilaawday xasuuqa Ghaza 2023-kii.

Afhayeenku waxa uu xusay, in Maraykanku uu sacadihii la soo dhaafay weeraro kala duwan ku qaaday goobo kala duwan, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti oo soo gaaray dad rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee, daagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee gacansaarka la leh dowladda Iran ayaa u muuqda mid sii balaaranaya, iyadoo dowladda Mareykanka ay si maalinla ah duqeymo ugu garaacayso goobaha ay Xuutiyiinta ka taliyaan ee dalkaas, taas oo galaafatay noolasha dad shacab ah oo aan waxba galabsanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here