Xuutiyiinta oo Xaqiijisay Dilka Tobanaan Qof oo Lagu Beegsaday Duqayn ka Dhacday Gobalka Xudeydah, iyaga oo Sheegay inaysan Dadkaasi Xubin ka Ahayn kooxda.

12
0

Xuuthiyiinta ayaa qiratay fiidnimadii sabtida in daraasiin lagu dilay laguna dhaawacay weerar cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka, kuwaas oo lagu beegsaday isku imaatin ka dhacay gobolka Al Xudaydah ee galbeedka Yemen horaantii todobaadkii hore.

Ururkan shiicada ah ayaa beeniyay hadal uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku yiri bartiisa Truth Social oo ku saabsan weerar uu Mareykanku ku bartilmaameedsaday kulan ay hoggaamiyeyaasha militariga Xuuthiyiinta ku lahaayeen magaalada Xudeydah, xilli ay qorsheynayeen inay qaadaan weeraro ka dhaca badda.

Wakaaladda wararka ee Xuutiyiinta oo soo xiganaysa ilo gaar ah oo aan la magacaabin ayaa tiri, “Fiidiyowga uu Trump soo dhigay, isaga oo ku andacoonaya in uu beegsaday isu imaatin ay yeesheen hoggaamiyeyaasha milatariga ee Xuutiyiinta, run ahaantii ma ahayn saraakiil ama xubno ka tirsan kooxdeena, balse wuxuu ahaa isku imaatino ku saabsan booqashadii ciidda ee gobolka Xudeyda.”

Trump ayaa horay u baahiyay muuqaal cadaynaya duqeyn dhanka cirka ah, kaas oo uu ku sheegay in lala beegsaday goob ay ku shirayeen Xuuthiyiinta galbeedka Yemen oo qorsheynayay weerar ay ku qaadaan maraakiibta ku sugan badda cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here