Yahauudda oo Dad Rayid ah ku Dishay Duqeyn ay ka Geysatay Bariga Lubnaan.

19
0

Labo qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay Yahuuddu la beegsatay deegaan dhaca bariga Lubnaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Wakaaladdu waxa ay sheegtay, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadawgu ay weerar ku qaadeen deegaanka Shaara oo ka tirsan gobolka Janta ee duleedka buuralayda bari ee dalka Lubnaan, halkaas oo ay ku dhinteen labo qof kuna dhaawacmeen labo kale.

Arrintan ayaa qayb ka ah xadgudubyada joogtada ah ee ay Sahaayinadu ku jabinaysa heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee ay la gashay ururka taagta daran ee isugu yeero Xisbullaah, kaasoo dhaqan galay 27-kii bishii November.

Degmada Tire ee gobolka Koonfurta, ciidamada Yahuudda ayaa dab qabsaday inta u dhaxaysa magaalooyinka Alma Al-Shaab iyo Naqoura.

Degmada Siidoon ee isla gobolka, diyaarad aan duuliye lahayn ee Yahuudda ayaa laga duubay iyadoo ku duulaysa cirka magaalada Siidoon.

Tani waxay ka dhigeysaa tirada guud ee jebinta Sahaayinada ee heshiiska xabad joojinta tan iyo markii uu dhaqan galay 1,033 mar, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan 81 qof iyo dhaawaca 279 ruux.

Yahuudda waxay ahayd inay si buuxda uga baxdo koonfurta Lubnaan subaxnimada 26-Janaayo, sida ku cad heshiiska xabbad joojinta, laakiin waxay codsatay in la kordhiyo lagana dhigo 18 Febraayo waqtiga kama dambaysta ah.

In kasta oo uu dhamaaday waqtigii loogu talagalay, Yahuudda waxay sii waday inay dib u dhigto joogitaankeeda 5 goobood oo ku yaalla Lubnaan, iyada oo aan la shaacin taariikhda rasmiga ah ee ay ka baxayso illaa hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here