Ciidanka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay in Kornayl ciidan oo horay ugu dhaawacmay dagaalada ka socda konfurta Lubnaan uu dhintay.
Ciidanka Yahuudda ayaa bayaan ay soo saareen shalay oo Sabti ahayd ku yiri “Sajin Nathaniel, waxa uu ku dhintay da’da 38 jirka, dhimashadiisa waxaa sabab u ahaa dhaawac ka soo gaaray dagaal koonfurta Lubnaan ka dhacay 9kii bishan Oktoobar.”
Ciidamada Yahuuddu waxay sheegeen in sarkaalka dhintay uu ahaa Taliyaha qeybta 5030-aad ee guutada 228-aad ee Alon.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka sanad jirsaday ee kasocda Marinka Qaza, tirada dhimashada ciidamada Yahuuddu, waxay gaaraysaa 748 askari – oo ay ku jiraan saraakiil sarsare – iyo dhaawaca 4,969 askari, sida lagu sheegay xog aruurun la sameeyay.