Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ururka Xisbullaah, ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo ay lahaayeen ciidanka Sahaayinada, waxaana lagu dilay 4 askari halka lagu dhaawacay 7 kale, sida ay sheegeen ciidamada Yahuuda.
Weerarka oo ahaa shalay Axaddii, ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Binyamina ee koonfurta Haifa. Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa sheegay in ay la beegsadeen xero milatari oo ay Yahuudu leedahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
War qoraal ah oo ay soo saartay Xisbullaah, ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay weerar ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada Yahuuda gaar ahaan guutada Golani. Guutadan ayaa kamida shanta guuto ee ciidamada lugta, waana mid kamida guutooyinka ugu muhiimsan ee Sahaayinada.
War kale oo kasoo baxay ururka Xisbullaah ayaa lagu sheegay, in ay sidoo kale gantaal la beegsadeen saldhigga saadka ee lagu magacaabo Tasnobar ee Yahuudu leeyihiin, kaas oo kuyaala buuraha Golan Heights ee ay Yahuudu guumaysiga ku haysato.
Duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullaah, ayaa ku soo beegmaysa isla maalinkii uu Maraykanku ku dhawaaqay in uu nidaam cusub oo dhanka difaaca cirka ah uu udirayo Yahuuda, si ay u xoojiyaan ka hortagga weerarada gantaallada.