Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa dhulka Yahuudu guumaysto ee Falastiin, ayaa manta sheegay in Weerarkii gantaallada ahaa ee Iran ay ku qaadday Yahuuda horaantii bishan uu geystay khasaare lixaad leh, oo lagu qiyaasay ilaa 53 milyan oo dollar, isagoo sheeegay in khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay weerarkii Iran ee 1-dii Oktoobar uu ahaa mid weyn.
Wargeysku waxa uu soo xigtay xogta ay bixiyeen gudiga Canshuuraha taas oo sheegaysa in uu hoos udhac wayn uu kuyimi dhaqaalaha hantiyadeed ee shacabka Yahuuda gaaray, taas oo lagu qiyaasay 150 iyo 200 milyan oo shekel, oo udhiganta (40 ilaa 53 milyan oo dolar).