Iyadoo maalintii 427-aad ee duullaanka gardarada ah ee Gazza uu galay, ayyaa ciidamada Yahuudda Waxay duqeeyeen iskuul ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaala Jabaliya, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac shahiid, intooda badan waxay ku sugan yihiin waqooyiga Marinka Gazza.
Dhanka kale, Guutooyinka Al-Qassam ayaa ku dhawaaqay inay la beegsadeen ciidamadaYahuudda oo ka kooban 50 askari oo walxaha qarxa lagu soo xiray oo ku sugnaa xaafadda Tal Al-Xaawo ee koonfurta magaalada Gazza.
Daanta Galbeed, ayaa dib loo soo cusboonaysiiyay weeraradii habeenimo, halka ay Yahuuddu qabsatayna ay daaha ka rogtay qorshe ay ku qabsanayso dhul ballaadhan oo ay ku doonayso inay isku ku balaadhiso.
Dhanka siyaasadda, wasiir ka tirsan IYahuudda ayaa ka hadlay fursad uu heshiis is-dhaafsi maxaabiis ah la gaaro Xamaas, waxayna tani imaanaysaa iyadoo la tixraacayo hadallo soo noqnoqday oo ku saabsan rabitaanka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump inuu soo gabagabeeyo heshiis ka hor inta uusan xukunka la wareegin bisha soo socota.
Dhinaca kale, ciidamadaYahuudda waxay sameeyeen jebinta cusub ee heshiiskii xabbad joojinta ee Lubnaan.