Yahuudda Lagu Deegaameeyay Dhulka Falastiiniyiinta oo Xoog ku Galay Masjidka Al-Aqsa, Iyagoo Garab ka Helaya Ciidamada Yahuudda.

47
0

Maanta oo Isniin ah, ciidamada gumeysiga Yahuudda iyo tobonaan qof oo ka mida Yahuudda lagu deegameeyay dhulka Falastiiniyiinta ayaa xoog ku galay masjidka Al-Aqsa, xilli ay ciidamada Sahaayinadu la wareegeen guud ahaan magaalada Qudus.

Xarunta Warfaafinta ee Wadi Hilweh ee magaalada Qudus ayaa sheegtay, in koox ka tirsan ciidamada Yahuuddu ay xoog ku galeen Masjidka Al-Aqsa, iyadoo muuqaalo ay xaruntani faafisay ay muujinayaan koox askar ah oo rag iyo dumar isugu jira oo qalabkooda ku dhex wata gudaha Masjidka Al-Aqsa.

Dhankeeda, maamulka magaalada Qudus ayaa sheegtay, in 166 qof oo Israiliyiin ah ay ka qaybqaateen weerarrka lagu qaaday masaajidka, weeraradan ayaa dhacay saaka iyo galabta.

Dhanka kale Xarunta Wadi Hilweh ayaa sheegtay, in ciidamada Gumeysiga ay xoojiyeen howlgalada ay ka sameynayaan xaafadaha iyo magaalooyinka Quddus, isla markaana ay dhigteen baro-koontarool oo ay ciidamadu ku baarayeen gaadiidka ay wataan dadka reer Quddus, waxayna sidoo kale bixiyeen amaro lagu burburinayo xarumaha Falastiiniyiinta ee ku yaalla magaalada Issawiya ee waqooyi bari ka xigta magaalada Qudus.

Tan iyo bilowgii sanadkan, illaa 6 kun oo qof oo Israaiiliyiin ah ayaa ka qaybqaatay duulaanka lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa, halka ciidamada Yahuuddu ay 39 hawlgal oo burburin ah ka fuliyeen magaalada Qudus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here