Diyaaradaha Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee maanta, 3 weerar ku qaaday duleedka koonfureed ee magaalada Beirut, iyadoo ay socdaan dagaallo ba’an oo u dhexeeya Ururka Xisbullaah iyo ciidammada guumaysiga Sahaayinada ee ku sugan in ka badan hal dhinac oo ka tirsan koonfurta Lubnaan.
Ciidamada Yahuudda ayaa soo saaray digniin ay ku beegsanayaan 3 dhismo oo ku yaalla xaafadda Haret Hreik ee ku taalla duleedka koonfureed ee Beirut, Ciidamada Yahuudda ayaa sidoo kale weerarro ku qaaday magaalooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan, waxayna beegsadeen goob ay isugu yimaadaan shaqaalaha caafimaadka oo ku taalla magaalada Kfardounin ee hoostagta degmada Bint Jbeil ee koonfurta Lubnaan.
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay, in baaritaanno horudhac ah oo lasameeyay ay tilmaamayaan dhimashada 10 ruux oo ay ku jiraan 3 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, halka 68 kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Yahuudda ka gaysatay dhowr magaalo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.
Dhinaca dhulka, iska horimaadyo ayaa ka socda jiidda hore ee u dhow magaalooyinka Khiyaam iyo Ebel al-Saqi oo dhaca dhanka bari ee Lubnaan, iyo magaalooyinka Shamaa iyo Al-Bayyada oo iyagana xiga dhinaca galbeedka.
Ururka Shiiciga ee Xisbullaah ayaa sheegay, in markii labaad ay beegsadeen isku imaatin ay ciidamada cadawga Yahuudda ku lahaayeen koonfurta magaalada Khiyaam ee dhacda koonfurta Lubnaan.
Dagaallada oo dhacay saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa lagu dilay 4 askari oo Yahuuddi ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo Sahaayinada ka tirsan, halka ciidammada Sahaayinada ay ku dhawaaqeen, in laga dilay askari ka tirsan cutubka “Magellan” iyo dhaawaca 10 kale.
Ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, in ay qabteen 25 gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan kuna sii jeeday dhanka waqooyi ee xeebta, iyagoona xaqiijiyay in gantaal uu ku dhacay Akka.
Geesta kale, Xizbullaah waxa ay ku sheegtay – bayaan ay soo saartay – in dagaalyahannadeeda ay ku weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Xarunta sahayda ee qaybta 146-aad ee ciidanka cadawga Yahuudda, oo ku taalla bariga magaalada Nahariya, iyada oo xaqiijisay in bartilmaameedyo sax ah la weeraray.
Xisbiga ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya beegsiga xarumaha Tel Haim iyo Beit Lid, iyadoo diyaarad aan duuliye lahayn oo kasoo duushay Lubnaan ay ku dhacday xerada ciidamada Yahuudda ee galbeedka Galiil.
Xisbigu wuxuu intaas ku daray, in ay ku weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn saldhigga Sharaga ee waqooyiga magaalada Acre ee la haysto, waxayna sidoo kale ku dhawaaqeen, in magaalada Safad lala beegsaday gantaallo.
Tan iyo markii Yahuudda ay xoojisay duullaanka ay ku hayso koonfurta iyo bariga Lubnaan iyo duleedka koonfureed ee Beirut 23-kii Sebtembar, dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayay in lagu gaaro heshiis xabbad joojin ah ayaa fashilmay, balse Xisbullaah ayaa umuuqata mid baryahaan dambe dardar galinayso weerarrada ay ku qaadayso xarumaha iyo saldhigyada Sahaayinada.